Home » Wararka » Doorashooyinka

Doorashooyinka

Laftagareen oo ku guulaystay Madaxweynenimada Koonfur Galbeed

C/casiis Xasan Maxamed [Lafta-gareen] oo ka mid ahaa musharraxiintii u Tartamayay jagada madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed Somalia ayaa ku guuleystay doorashadii maanta dhacday Baydhabo waxaana uu helay 101 cod. Lafta-gareen oo la sheegay inay wadato Dowladda Federaalka Somalia ayaa ku guuleystay cod aqlabiyd ah, waxaana ku codad ahaan ku xigay musharrax Aadan Saran-soor oo ka mid ahaa musharraxiintii la tarmtayay. Sidaas ...

Read More »

Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo bilaabatay

Codeynta doorashadda Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa goordhaw lagu wadaa in ay ka bilaabato Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur galbeed. Doorashadan oo ah mid siweyn loo dhur sugayay mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa sida qorshuhu yahay maanta ay xildhibaanada Koonfur galbeed dooran doonaan madaxweynihii badali lahaa Shariif Xasan Sh Aadan oo dhawaan iska casilay xilka madaxweynaha ...

Read More »

Dawladda Federaalk oo wefdi kor joogta ah u diray Doorashada Koonfur Galbeed

Wafdi ka socda Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ayaa saakay ku wajahan Magaaladda Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, waaxa sidoo kale kamid ah wasiiro iyo Xildhibaano. Ujeedka wafdiga ayaa lagu sheegay sidii ay kor joogto uga noqdaan doorashada Madaxweynaha Maamulka ...

Read More »

Musharixiinta Puntland oo bayaan kasoo saaray Doorashada dhawaan dhacaysa

12 kamida Musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Puntland doorashada 8 bishaJanaayo  sannadka 2019 ayaa kulan kuyeeshay magaalada Garoowe. Musharaxiintu waxaa ay kulankooda uga arinsanayeen doorashadda Puntland,waxaana ay ka muujiyeen walaac xoogan qaabka loo maamulayo doorashada sida amniga caasimadda Garowe iyo hanaanka xulista mudanayaasha Barlamaanka oo ay shegeen in ay gacan bidixaynayso xukuumadda waqtigeedu dhamanayo. warsaxaafadeedka musharrixiinta:- Anagoo ah musharrixiinta Puntland ...

Read More »

Abdiweli Gaas oo mar kale isku sharaxay Madaxtinimada Puntland

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo dhowr jeer oo hore sheegay in uusan hoggaaminta Puntland mar dambe isu soo taagayn ayaa maanta ku dhawaaqay in markale uu u tartamayo doorashada madaxtinimada Puntland ee dhaceysa 8-da Janaayo 2019. Madaxweynaha Puntland ee wakhtigu ka sii dhammaanayo Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadal uu ka jeediyay xafladda ku dhawaaqida musharaxnimadiisa oo Garowe ka ...

Read More »

Wasiirkii Arrimaha Gudaha Puntland Timacade oo iscasilay

Wasiirkii arrimaha gudaha iyo dowladdaha hoose ee Puntland C/llaahi Cali Xirsi Timo-cadde ayaa goordhawayd ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii wasiirnimo kadib shir jiraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Garoowe. Wasiir Timacade ayaa iscasilaadiisa ku sababeeyay inay tahay sababo isaga u gaar ah hase ahaate xogo ay Horseed Media helayso ayaa sheegaya in wasiir Tima cade uu qorsheynayo in ...

Read More »

Musharax Janagale oo si wacdara leh loogu soo dhaweeyey Gaalkacyo (Muuqaal)

Musharax Cabdirasaaq Cabdulaahi Jaamac Janagale ayaa maanta si heer sare ah dadka reer Gaalkacyood ugusoo dhaweeyeen Caasimadda Gobolka Mudug ee Gaalkacyo. Soo dhaweynta Musharaxa ayaa waxaa ka qayb galay Nabadoonada, Ganacsatada, Culamaa’udiinka, dhallinyarada ururada haweenka iyo ciidamada qalabka sida ee Puntland. Musharaxa Janagale iyo wefdigiisa ayaa kasoo kicitimay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo uu kusoo afmeeray safaro uu kula ...

Read More »

Daawo: Musharax Janagale oo munaasabad heerkeedu sareeyo uga qayb galay Australia

Waxaa magaalada Melbourne ee dalka Australia si weyn loogu soo dhaweeyay Musharax Madaxweyne  Mudane Dr. C/Risaaq C/laahi Jaamac (Janagale) oo isagu safka hore kaga jira musharaxiinta ugu cad-cad ee u tartamaya doorashada madaxweyne ee Puntland oo lagu wado in ay dhacdo bisha Janaayo 2019. Xafladan ayaa ahayd middii ugu balaarnayd ee loo qabto musharax u tartamaya xilka doorashada Puntland ee 2019. Musharax Janagale ...

Read More »

Madaxweyne Gaas: Doorashadu waxay dhacaysaa xiligeeda

Qaar kamid ah Siyaasiyiinta Puntland ayaa ku eedeeyay madaxweyne C/wali Gaas in uu damacsan yahay waqti kororsi,islamarkaana dib loo dhigo doorashadda. Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Cabdiwali Gaas ayaa  ka jawaabay eedeymo dhawaanahan soo baxayay oo ahaa in madaxweynaha uu qorshaynayo in uu muddo kororsi sameeyo. Madaxweyne Gaas oo waraysi siinayay BBC-da , ayaa sidoo kale ka hadlay waxyaabaha uu isaga ...

Read More »

Farmaajo oo loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya

Waxaa goor dhow lasoo gunaanaday doorashadii madaxweynaha ee ka socotay magaalada Muqdisho taas oo uu ku guuleystay musharrax Maamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxweynaha cusub ayaa isla goobta lagu dhaariyay kaddib markii uu tartanka ka tanaasulay Xasan Sheekh Maaxamuud oo ay tartanka isugu soo hareen. Magaalada ayaa waxaa hareeyay farxad iyo dabaaldeg iyadoona guud ahaan magaalada laga maqlayo rasaas farxadeed oo xooggan.

Read More »