Home » Wararka (page 5)

Wararka

Finland iyo Soomaaliya oo ku heshiiyey kobcinta xiriirka ganacsi ee labada dal

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya iyo wafti uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga Dalka Finland ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Ganacsiga iyo horumarinta ee Dalkaas Ms Anne-Mari Virolainen. Laba dhinac ayaa waxay isku Af-garteen in la xoojiyo xiriirka ganacsi iyo kan maalgashi ee Soomaaliya iyo Finland, iyo in shirkadaha Labada Waddan ay yeeshaan ganacsi wadaag iyo Isdhaafsi xagga aqoonta iyo Technology-yada ...

Read More »

Xildhibaano ka tirsan Galmudug oo xilkii ka xayuubiyey Gudoomiye Gacal

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Xildhibaano kula yeeshay ay xilkii ka qaadeen Guddoomiyaha Baarlaamanka Galmudug. Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa ku dhawaaqay codka ay u qaadeen Xildhibaanada Mooshinka laga keenay Cali Gacal. Guddoomiye Xareed ayaa sheegay in kulanka ay soo xaadireen 147 xildhibaan,146 ka mid ahna ay ogolaadeen ...

Read More »

Nicholas Haysom oo badalaya Michael Keating

Xoghayaha guud ee Jamciyadda Qaruumaha ka dhexeysa,Antonio Guterres , ayaa Shalay oo Arbaca ahayd si rasmi ah ugu Magacaabay Soomaaliya Ergey cusub oo lagu magacaabo Nicholas Haysom. Nicholas Haysom ayaa ah shaqsi u dhashay Dalka South Africa,asigoona ka soo shaqeeyay Dalal dhowr ah oo ay kamid yihiin Afganistan iyo South Sudan. Mr Nicholas Haysom  oo ah Ergeyga cusub ee QM ...

Read More »

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo dajinaya Ajendayaasha Kalfadhiga 4aad

Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda 41-aad ku yeeshay Xarunta golaha shacabka ee magaaladda Muqdisho. Kulanka waxaa shir guddoominayay Guddoomiye ku-xiggeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey,  Waxaana goobjoog ahaa guddoomiye ku-xiggeenka labaad ee mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo xoghayaha guud ee golaha shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi Buux. Kulanka intiisa badan ...

Read More »

Madaxweyne Gaas: Doorashadu waxay dhacaysaa xiligeeda

Qaar kamid ah Siyaasiyiinta Puntland ayaa ku eedeeyay madaxweyne C/wali Gaas in uu damacsan yahay waqti kororsi,islamarkaana dib loo dhigo doorashadda. Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Cabdiwali Gaas ayaa  ka jawaabay eedeymo dhawaanahan soo baxayay oo ahaa in madaxweynaha uu qorshaynayo in uu muddo kororsi sameeyo. Madaxweyne Gaas oo waraysi siinayay BBC-da , ayaa sidoo kale ka hadlay waxyaabaha uu isaga ...

Read More »

Daawo: Khudbaddii Soomaalida Gilgishay ee Madaxweyne Farmaajo

Khudbadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo uu ka jeediyey, munaasabadda furitaanka kal-fadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Khudbadaan ayaa ah mid taariikhda gashay oo gilgishay dhammaan dareenka nool ee Soomaaliyeed. Madaxweynuhu wuxuu khudbadiisa ku taabtay arrrimaha madaxbanaanida qaranka, ammaanka, dcafiska horjoogayaasha argagixisada, iyo difaacidda xuduudaha dalka ee wadamada ku xadgudbaya. hoos ka daawo muuqaalka oo dhamaystiran

Read More »

Talo ku socota Cabdiraxmaan Cabdishakuur!

Cabdiyow waxa aan sheeka ku maqlay in nin sheekh ah uu hadda ka hor masaajid ka jeediyay khudbad ku saabsan xisaabta maalinta qiyaamo. Nin safka hore ee dheggeystayaasha ku jiray ayaa intii ay khudbaddu socotay oohin joojin waayay. Sheekhu waxa uu maleeyay in ninkan uu fahmay macnaha khudbadda, la na qushuucay. Mar dambe, oo ay khudbaddii dhammaatay, ayaa uu ninkii ...

Read More »

Madiido Diimeedka Sucuudiga!

Sida sawirka hoose ka muuqda dawladda Sucuudiga waxa ay doonaysaa hirgelinta mashaariic waxbarasho oo Soomaaliya oo dhan laga hirgeliyo . Yeelkadeede, Sucuudiga ma doonayaa in uu dalka ka hirgaliyo tacliin isu dheeli tiran oo baahiyaha aqooneed sida macaahid farsamo, colleges si gaara noogu soo saara dhakhaatiir caafimaad, enjineero iyo khubaro dhanka beeraha , badda iyo xolaha ah? Haddiise sidii caadada ...

Read More »

Istiraatijiyada Imaaraadka ee mandiqadda (Dr. Saadaq Eenow)

Badda Cas waqooyigeeda waxaa dhaca labada gacan ee kala ah gacanka Suweys iyo gacanka Caqaba. Koonfurteedana waxaa dhaca madiiqa Baab Al-Mandab. Dhanka bari waxaa kaga aaddan Yaman iyo boqortooyada Sacuudiga. Dhanka galbeed waxaa kaga aaddan Jabuuti, Eriteriya, Suudaan iyo Masar. Imaraatku waxay degsadeen istraateejiyad ay kaga taliyaan baddaas leh ahmiyadda deegaan-siyaasadeed. Si ay ula uga hor-tagaan cabsida ay ka qabaan ...

Read More »