Home » Faaqidaad

Faaqidaad

Daacish iyo Alshabaab oo doon hub siday ku dagaalamay

Maleeshiyaadka Daacish ayaa soo bandhigay Sawiradda iyo Muuqaalka Dagaal ay lageyn Al-shaabab,kaasi oo ka dhacay duleedka Degmada Qandala ee Gobolka Bari. Sida ay baahisay Warbaahinta Daacish ee Amaq,Dagaalka oo dhacay Axadii aynu soo dhaafnay ayaa lagu dilay 14-dagaalyahan oo ka Tirsanaa Al-Shabaab, islamarkaana hub looga qabsaday. Ma Jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Shabaab oo loogu hadlaayo guulaha ...

Read More »

Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab oo duqeyn lagu laayey Puntland

Ugu yaraan lix ka tirsan malayshiyaadka Al-shabaab ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo shalay ka dhacday degaanka Miiraale oo dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada Qandala ee gobolka Bari. Malayshiyaadka la duqeeyay oo ka soo degay dhanka buuraha Cal-miskaat ayaa laba maalmood ka hor halkaasi kula dagaallamay koox kale oo ka tirsan Daacish,sida laga soo xigtay dadka degaanka,inkastoo aan faahfaahin laga ...

Read More »

Abdiweli Gaas oo mar kale isku sharaxay Madaxtinimada Puntland

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo dhowr jeer oo hore sheegay in uusan hoggaaminta Puntland mar dambe isu soo taagayn ayaa maanta ku dhawaaqay in markale uu u tartamayo doorashada madaxtinimada Puntland ee dhaceysa 8-da Janaayo 2019. Madaxweynaha Puntland ee wakhtigu ka sii dhammaanayo Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadal uu ka jeediyay xafladda ku dhawaaqida musharaxnimadiisa oo Garowe ka ...

Read More »

Madaxweynaha Shiina oo qaabilay Safiirka Cusub ee Soomaaliya u magacawday

Munaasabad Kooban oo ka dhacday Magaalada Beijing ee dhalka China, Madaxweynaha Dalkaasi Xi Jinping waxa uu Warqadaha Aqoonsi Safiirnimo ka Gudoomay Danjire Cawaale Cali Kulane. Kulan gaar ah oo ay labada dhinac wada yeesheen waxa ay kaga wada hadleen ka shaqeynta Xoojinta Xiriirka Labada Dal, Is dhex galka labada Shacab iyo qodobo kale. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dadka ee Shiina ayaa sheegay ...

Read More »

Dawladda Maraykanka oo $900 Malyan galinaysa Sommaaliya

Labadii bishan December 2018 ayaa dawladda Mareykanka si rasmi ah u shaacisay in dib loo furey safaaradooda Soomaaliya, sidoo kale hey’adda kaalamada dibadda ee Mareykanka USAID ayaa si toos ah uga shaqo bilowday dalka. Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto oo maanta soo saaray war saxaafadeed ayaa sheegay in  Soomaaliya ay  siin doonaan adduun gaaraya lacageed oo gaareya $900 million ...

Read More »

Gudoomiyaha Maxkamadda CQS oo sharaxay sababta ay usoo bateen dilalka Xamar

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shute, ayaa ka hadlay dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho, iyo sababaha badiyay. Waxa uu sheegay in dilalka ay sababta ay u bateen in ay tahay Ciidamadii loogu talagalay in ay la dagaalamaan Al-shaabab oo howlgalo sameyn lahaa oo Magaaladda gudaheeda lagu soo xareeyay. Sidoo kale waxa uu sheegay ...

Read More »

Ciidamo ka tirsan NISA oo lagu wareejiyey Booliska Soomaaliyeed

Qoraal kasoo baxay Taliska Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in Hub iyo ciidan lagu wareejiyay Taliska Booliska Soomaaliyeed. Qoraalka oo uu ku saxiixnaa Taliye ku-xigeenka NISA Fahad Yaasiin ayaa lagu sheegay in booliska Lagu wareejiyay ciidamo gaaraya 1,728 askari, 25 gaadiidka dagaalka oo 13 kamid ah ay hubeysan yihiin.

Read More »

Wasiirkii Deegaanka Puntland oo iscasilay

Wasiirkii Deegaanka & Isbedelka Cimilada Maamulka Puntland Dr Cali Cabdullaahi Warsame ayaa saakay si rasmi ah ugu dhawaaqay Is casiladiisa. Sababta ayuu ku sheegay in ay ku fashilmeen Saddex mashruuc oo dhamantood muhiimad u lahaa Shacabka Puntland. Dhanka kale Madaxda Puntland ayuu ku eedeeyay in ay danaha horumarineed ka hormarinayaan dano shaqsiyaad gaar ah oo ay ka leeyihiin ujeedooyin guracan.

Read More »

Suldaan lagu dilay degmada Badhan

Suldaan Xasan Cali Jibriil oo ka mid ah isimada dhaqanka ayaa maanta dablay hubeysani toogasho ku dilen, meel u dhow magaaladda Badhane e gobolka Sanaag. Marxuumka ayaa kusii jeeday goob ku taal gudaha magaaladda Baran, oo uu qado sharaf ugu sameeyay madaxweynaha Puntland iyo waftiga la socday. Hoos ka dhagayso waraysi afhayeenka nabadoonada:

Read More »