Home » Wararka » Bariga Afrika (page 4)

Bariga Afrika

RW Khayre oo ku gacan-saydhay dalabkii Madaxda DG ee dhexdhexaadin shisheeye

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hor timid dalab ugu yimid Madax Goboleedyadda Soomaaliya, kaasi oo ku aadan in la helo gacan seddexaad oo dhexdhaxaadisa iyaga iyo Dowladda Dhexe. Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,ayaa sheegay in laga soo gudbay waqtigii Madaxda Soomaalida ah loo kala turjumi lahaa ,dadka Soomaaliyeedna aysan aqbaleyn xilligan waxaas iyo wax u dhow. Dhanka kale Raisulwasaare kheyre ayaa ...

Read More »

Shirkii Golaha Amniga Qaranka ee M.Farmaajo iclaamiyey oo baaqday

Sida muuqata waxaa dib u dhacay shirkii Golaha amniga qaranka oo dhawaan Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), uu shaaciyay qabsoomidiisa. Inkastoo dowladda Dhexe ee Soomaaliya aysan shaacinin dib u dhaca shirka, hadana waxa uu u muuqdaa in uu dib u dhacay sababo dhowr ah oo isbiirsanaya sida- 1-Madaxda Dowlad Goboleedyada oo maalin kahor shirarka imaan jiray Muqdisho,hadda ku sugan Xarumahooda ...

Read More »

Dawladda Qadar oo xanibaadii ka qaaday Baasaboorka Soomaaliya

Amiirka Dawladda Qadar Shiikh Tamiim Bin Xamid Al-Thani ayaa amar ku bixiyey in xanibaadda laga qaado bixinta dal-ku-galka muwaadiniinta wata baasaboorka Soomaaliya. Amarkan ayaa yimid kadib markii safiirka cusub ee Soomaaliya u magacawday dalka Qadar uu warqidihiisi aqoonsiga u gudbiyey amiirka isla markaana uu u sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu ka codsanayo inuu xanibaadda saaran dal ku galka muwaadiniinta wata ...

Read More »

70 ka tirsan xoogagga Alshabaab oo duqeyn ku le’day

Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in duqeyn cirka oo ay ciidamadeeda ka fuliyeen meel ka mid ah Soomaaliya ay ku dileen ugu yaraan 70 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabab. Warkan oo ay baahisay warbaahinta dowladda Ethiopia taageerta ee Fana ee fadhigeeduyahay Addis Ababa ayaa lagu sheegay in duqeyntan ay ciidamada Ethiopia u fuliyeen si ay u fashiliyaan weerar ay al-shabab qorsheynaysayinay ...

Read More »

Madaxweyne Xaaf oo xildhibaanada Galmudug xilkii ka xayuubiyeen

Xildhibaanno 47 ah, oo maanta ka dooday mooshin ka dhan ah madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf ayaa ugu dambeyntii kalsoonida kala noqday madaxweyanaha. Kulanka waxaa shir guddoominayey Cali Gacal Casir oo dorraad isna ay xildhibaanno ku shiray Dhuusamareeb ka qaadeen xilka afhayeenka baarlamaanka Galmudug. Dhinaca kale, sida ay Goobjoog News warar ku heleyso Tiro ku dhaw 97 xildhibaan oo ka ...

Read More »

Aqalka Sare oo Guddiyo u magacaabay tabashada Dawlad Goboleedyada

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo saaray Liiska wafuuda loo dirayo deegaanada maamul goboleedyada, si ay ugu qeyb qaataan xalinta Khilaafka Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyadda. 5-ta Maamul goboleed ayaa loo kala dirayaa 10 xubnood oo ka tirsan Senatarada Aqalka sare iyo labo howlwadeeno. Sen. C/raxmaan Faroole ayaa Gudoomiye loogu dhigay wafduuda loo dirayo Maamulka Puntland. Sen. Cabdi Xasan ...

Read More »

Daawo: Musharax Janagale oo munaasabad heerkeedu sareeyo uga qayb galay Australia

Waxaa magaalada Melbourne ee dalka Australia si weyn loogu soo dhaweeyay Musharax Madaxweyne  Mudane Dr. C/Risaaq C/laahi Jaamac (Janagale) oo isagu safka hore kaga jira musharaxiinta ugu cad-cad ee u tartamaya doorashada madaxweyne ee Puntland oo lagu wado in ay dhacdo bisha Janaayo 2019. Xafladan ayaa ahayd middii ugu balaarnayd ee loo qabto musharax u tartamaya xilka doorashada Puntland ee 2019. Musharax Janagale ...

Read More »

Xildhibaano ka tirsan Galmudug oo xilkii ka xayuubiyey Gudoomiye Gacal

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Xildhibaano kula yeeshay ay xilkii ka qaadeen Guddoomiyaha Baarlaamanka Galmudug. Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa ku dhawaaqay codka ay u qaadeen Xildhibaanada Mooshinka laga keenay Cali Gacal. Guddoomiye Xareed ayaa sheegay in kulanka ay soo xaadireen 147 xildhibaan,146 ka mid ahna ay ogolaadeen ...

Read More »

Nicholas Haysom oo badalaya Michael Keating

Xoghayaha guud ee Jamciyadda Qaruumaha ka dhexeysa,Antonio Guterres , ayaa Shalay oo Arbaca ahayd si rasmi ah ugu Magacaabay Soomaaliya Ergey cusub oo lagu magacaabo Nicholas Haysom. Nicholas Haysom ayaa ah shaqsi u dhashay Dalka South Africa,asigoona ka soo shaqeeyay Dalal dhowr ah oo ay kamid yihiin Afganistan iyo South Sudan. Mr Nicholas Haysom  oo ah Ergeyga cusub ee QM ...

Read More »