Home » Wararka » Bariga Afrika » Madiido Diimeedka Sucuudiga!

Madiido Diimeedka Sucuudiga!

Sida sawirka hoose ka muuqda dawladda Sucuudiga waxa ay doonaysaa hirgelinta mashaariic waxbarasho oo Soomaaliya oo dhan laga hirgeliyo . Yeelkadeede, Sucuudiga ma doonayaa in uu dalka ka hirgaliyo tacliin isu dheeli tiran oo baahiyaha aqooneed sida macaahid farsamo, colleges si gaara noogu soo saara dhakhaatiir caafimaad, enjineero iyo khubaro dhanka beeraha , badda iyo xolaha ah?

Haddiise sidii caadada ahayd uu noo samaynayo macaahid shareeco la qaloociyay ama dan laga leeyahay lagu baran , oo hadhaw soo saarta kooxo u shaqeeya danaha iyo afkaarta Sucuudiga taasi waa mid lugooyo maahane aan wax soo kordhinayn, waxaana leenahay sidii Imaam Cali Bin Abii Daalib Yiri , allaha ka raali noqdee “waxa lugooyo wanaag loo ekaysiiyay”.

Barashada diinta waxaa noogu filan macaahida iyo jaamacadaha hadda dalka ka furan , kooxo iyo afkaar kala duwana inta haatan jirtaa dalka culays ku ah , ee haddii aan wax kale meesha ku jirin tacliinta la sheegayo ha ka tarjunto baahida dalka ka jirta.

Waxaan ognahay in Sucuudiga uu haatan baqti afuufayo fikir diimeed cusub (السلفية الجامية أو المدخلية) oo uu doonayo inuu ku faafiyo dunida Muslimka , waana afkaar la yaqaan oo xagjir ah, umaddana fitno u horseeda sida laga arkay Yemen oo fitnada maanta dalkaas ka taagan ay ka kacday kooxdaas oo xoog loogu abuuray meel Sacda la yiraahdo sidaasna ku kicisay Zaydiyadii awal sunniga aan farqiga wayn u dhaxayn . Waa fikir uu Sucuudiga abuuray dagaalkii Ciraq ay ku qabsatay Kuweit ka dib si loo wiiqo afkaarta salafiyada dhexdhexaadka ahayd ee qaarkood ka biya diiday u habar wacashadii Maraykanka iyo reer Galbeedka kale .

Fikirkaan waxa lagu fidiyaa dadyawga aan wacyiga lahayn, ee la ildaran jahliga iyo maangaab nimada , waana hannaan lagu daroogaynayoo umadaha iyada oo loogu soo gaban diimeed.
Dawladda dhexe iyo maamul goboleedyadu yaanay iyagoo xoogaa lacag ah xeerinaya dalka usoo jiidin in lagu fidiyo afkaar diimeed aan ka khatar yarayn afkaartii shiicanimada ahaa ee safaaradda Iran dalka looga cayrshay. Haddii kuwa Sucuudiga dalka lagu soo daayo, raga ay ciilayaan hadhaw yaan lagu qabsan haddii ay iyana Iran hiil u doontaan sidii Zaydiyadii Yemen lagu ciilay ee dabkii halkaas ka dhashay dal dhan ku holcayo maanta.

Saalim Said

x

Check Also

Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab oo duqeyn lagu laayey Puntland

Ugu yaraan lix ka tirsan malayshiyaadka Al-shabaab ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo shalay ka ...