Home » Wararka » Bariga Afrika » Dawladda Qadar oo xanibaadii ka qaaday Baasaboorka Soomaaliya

Dawladda Qadar oo xanibaadii ka qaaday Baasaboorka Soomaaliya

Amiirka Dawladda Qadar Shiikh Tamiim Bin Xamid Al-Thani ayaa amar ku bixiyey in xanibaadda laga qaado bixinta dal-ku-galka muwaadiniinta wata baasaboorka Soomaaliya.

Amarkan ayaa yimid kadib markii safiirka cusub ee Soomaaliya u magacawday dalka Qadar uu warqidihiisi aqoonsiga u gudbiyey amiirka isla markaana uu u sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu ka codsanayo inuu xanibaadda saaran dal ku galka muwaadiniinta wata Baasaboorka Soomaaliya laga kor qaado loona fududeeyo.

Amiirka dalka Qadar Shiikh Tamiim Bin Xamid Al-Thani aya aisla Munaasabadda kaga dhawaaqay go’aan uu faray xukuumadiisa kaasoo ah in Muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo Fiisayaasha shaqada si ka fudud wadamada kale, sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Safiirka Cusub ee Soomaaliya u magacawday dalka qaniga ah ee Qadar.

Hoos ka daawo hadalka Safiirka:

 

x

Check Also

Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab oo duqeyn lagu laayey Puntland

Ugu yaraan lix ka tirsan malayshiyaadka Al-shabaab ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo shalay ka ...