Home » Wararka » Bariga Afrika » RW Khayre oo ku gacan-saydhay dalabkii Madaxda DG ee dhexdhexaadin shisheeye

RW Khayre oo ku gacan-saydhay dalabkii Madaxda DG ee dhexdhexaadin shisheeye

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hor timid dalab ugu yimid Madax Goboleedyadda Soomaaliya, kaasi oo ku aadan in la helo gacan seddexaad oo dhexdhaxaadisa iyaga iyo Dowladda Dhexe.

Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,ayaa sheegay in laga soo gudbay waqtigii Madaxda Soomaalida ah loo kala turjumi lahaa ,dadka Soomaaliyeedna aysan aqbaleyn xilligan waxaas iyo wax u dhow.

Dhanka kale Raisulwasaare kheyre ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare,oo ku aadan in amaanka Magaalada Muqdisho uu faraha ka baxay, islamarkaana la bilaabay in la beegsado Xildhibaanadda.

Waxaa uu Sheegay Ra’isalwasaaraha  in hadalkaas uusan ahayn mid rasmi ah, islamarkaana cidkasta oo tiri ay suuragal tahay in ay cid kale ugu daneyneyso.

x

Check Also

Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab oo duqeyn lagu laayey Puntland

Ugu yaraan lix ka tirsan malayshiyaadka Al-shabaab ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo shalay ka ...