Home » Wararka » Bariga Afrika » Somaliland oo cambaaraysay Safarka MW Gaas ee Sanaag

Somaliland oo cambaaraysay Safarka MW Gaas ee Sanaag

Somaliland ayaa xad gudub ku tilmaantay socdaalka madaxwayne ee Badhan.

Kulan ay yeesheen madaxda seddexda xisbi siyaasadeed ee Somaliland ayaa la sheegay in lagu lafa-guray arrimo badan oo ku saabsan Somalialand, waxaana ugu dambeyn shir jaraa’id wada qabtay Madaxweyne Xigeenka Somaliland, iyo gudoomiyayaasha labada xisbi ee Ucid iyo Wadani.

Madaxweyne Xigeenka Somaliland ayaa yiri: “Waxannu halkan ka cambaaraynaynaa madaxweynaha maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo kusoo xad-gudbay xuduudda Somaliland, gaar ahaan gobolka Badhan, waxana aannu arrintaas u aragnaa xad-gudub qaran, iyada oo caalamku la socdo dhibaatada maanta Tuka-raq ka taagani ay ka timi gardarradii hore ee dawladda Soomaaliya wasiirkeeda qorshayntu ku yimi Badhan, iyada oo taas hawsheedii lagu jiro oo aan waxba la isla meel dhigin inuu mar labaad dagaal meel kale ka furo”.

Hoos ka daawo shirka jaraa’id:

x

Check Also

Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab oo duqeyn lagu laayey Puntland

Ugu yaraan lix ka tirsan malayshiyaadka Al-shabaab ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo shalay ka ...