Home » Wararka » Bariga Afrika » Ardeyad Fasalkeedi lagu dhex toogtay Muqdisho

Ardeyad Fasalkeedi lagu dhex toogtay Muqdisho

Waxaa goordhaweyd lagu dhex toogtay Jaamacadda Soomaaliya gabar kamid ahayd ardayda dhigata Jaamacadda.

Waxaa jaamacadda gudaha u galay labo rag ah oo hubeysan, islamarkaana baadi goobayay gabadhaan, ,waxeyna ugu danbeyn  ka dhex heleen fasalki ay wax ku baraneysay,ayagoona halkaa ku toogtay.

Gabadhaan lagu magacaabi jiray Aamino Xuseen Xasan yaa waxaa lagu dilay faraca ay Jaamacadda Soomaaliya ku leedahay Baar-ubax,waxeyna kamid ahayd ardeyda kuliyadda Shareecadda.

Jaamacadda Waxey leedahay ilaalo u gaar ah,balse ragga dilka geystay ayaa isku soo aadiyay waqti ay ardeyda ka nasanayeen xiisadaha,islamarkaana aan la baareen qof walba oo soo galaya jaamacadda.

Haatan waxaa jaamacadda baaritaano ka wada ciidamada amniga,ayagoo su’aalo weydiinaya ardeyda iyo maamulka Jaamacadda.

x

Check Also

Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab oo duqeyn lagu laayey Puntland

Ugu yaraan lix ka tirsan malayshiyaadka Al-shabaab ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo shalay ka ...