Home » Wararka » Bariga Afrika » Garabka Xaaf oo warqad dacwad ah u gudbiyey Guddiga Aqalka Sare

Garabka Xaaf oo warqad dacwad ah u gudbiyey Guddiga Aqalka Sare

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), ayaa galabta Sagootin u sameeyay Wafdigii ka socday Aqalka sare ee uu hogaaminayay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb.

Wafdiga intuu ku sugnaa Magaaladda waxay kala hadleen Madaxda Galmudug Khilaafka Galmudug iyo Dowladda Dhexe ee Soomaaliya,waxayna sanataradda ay sheegeen in ay xalin doonaan arrimaha jira.

Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug Xaaf ayaa waxa uu Senator Qaybdiid ku wareejiyay Document ay ku qoranyihiin waxyaabaha uu Maamulka Galmudug ka tabayano Dowlada dhaxe,isla markaana ay u baahan yihiin in dowlada iyo maamul Goboleedyada arintooda la dhameeyo oo xal buuxa laga Gaaro.

“Galmudug waa ay xaqirantahay waana la dulmiyay dowlada hada jirta kaliya ma ahee dowladihii hore baa xaqiray,oo dulmay Galmudug waa kow iyo toban degmo hadii arintiina Gudbino”ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

x

Check Also

Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab oo duqeyn lagu laayey Puntland

Ugu yaraan lix ka tirsan malayshiyaadka Al-shabaab ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo shalay ka ...