Home » Wararka » Bariga Afrika » Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo bayaan kasoo saartay nin lagu gubay Muqdisho

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo bayaan kasoo saartay nin lagu gubay Muqdisho

Majmaca Culimada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dilkii Foosha xumaa ee 20-kii bishaan loo geystay Ala Ha u Naxariistee Axmed Muqtaar Dowlo oo ahaa Nin Garashle ahaa.

Guddoomiyaha Majmaca Culumada Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa Dilka Axmed Dowlo ku tilmaamay mid Biniaadanimadda ka baxsan,islamarkaana ka Culimo ahaan ay aad kaga xun yihiin.

Waxa uu sheegay in guurku uusan aheyn mid dhibaato keena oo dadka kala fogeeya, balse uu yahay mid bulshada isku-soo dhaweeya oo xiriir fiican keena.

Ugu dambeyntii waxa uu tacsi u diray qoyskii uu ka baxay Ala Ha u Naxariistee Axmed Muqtaar Dowlo.

Axmed Muqtaar Dowlo oo ahaa  Garashle ayaa Khamiistii la soo dhaafay si argagax leh loogu dilay Xaafada Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid, iyadoo dilkiisa uu la xiriiray fal hayb sooc guur ah.

x

Check Also

Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab oo duqeyn lagu laayey Puntland

Ugu yaraan lix ka tirsan malayshiyaadka Al-shabaab ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo shalay ka ...