Home » Wararka » Bariga Afrika » Daacish iyo Alshabaab oo doon hub siday ku dagaalamay

Daacish iyo Alshabaab oo doon hub siday ku dagaalamay

Maleeshiyaadka Daacish ayaa soo bandhigay Sawiradda iyo Muuqaalka Dagaal ay lageyn Al-shaabab,kaasi oo ka dhacay duleedka Degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Sida ay baahisay Warbaahinta Daacish ee Amaq,Dagaalka oo dhacay Axadii aynu soo dhaafnay ayaa lagu dilay 14-dagaalyahan oo ka Tirsanaa Al-Shabaab, islamarkaana hub looga qabsaday.

Ma Jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Shabaab oo loogu hadlaayo guulaha ay sheeganayaan Daacish.

Maleeshiyaadka Daacish iyo Al-shabaab ayaa mudooyinkii dambe waxaa soo kala dhexgalay khilaaf kaasi oo keenay in dhowr ay ku dagaalamaan Gobolada dalka Soomaaliya.

Dhawaan Hogaanka Daacish garabkooda Soomaaliya ayaa iclaamiyay dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

x

Check Also

Dawladda Federaalk oo wefdi kor joogta ah u diray Doorashada Koonfur Galbeed

Wafdi ka socda Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ayaa saakay ku wajahan Magaaladda Baydhabo ee Caasimadda ...