Home » Wararka » Bariga Afrika » Wasiirkii Arrimaha Gudaha Puntland Timacade oo iscasilay

Wasiirkii Arrimaha Gudaha Puntland Timacade oo iscasilay

Wasiirkii arrimaha gudaha iyo dowladdaha hoose ee Puntland C/llaahi Cali Xirsi Timo-cadde ayaa goordhawayd ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii wasiirnimo kadib shir jiraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Garoowe.

Wasiir Timacade ayaa iscasilaadiisa ku sababeeyay inay tahay sababo isaga u gaar ah hase ahaate xogo ay Horseed Media helayso ayaa sheegaya in wasiir Tima cade uu qorsheynayo in uu ka qeybgalo doorashada Puntland 2019.

Waxaa jiray warar horey ay u heleen qeybaha warbaahinta kaas oo sheegaya in wasiir Cabdulaahi Cali Xirsi Timocadde uu si aad ah u danaynayo in uu tartamo kursiga madaxweyne kuxigeenka Puntland doorashada 8Janaayo 2019.

Madaxweynaha Puntland ayaa sanadkii 2015 u magacabaay wasiirka arimaha Gudaha Cabdulaahi Cali Xirsi Timocadde,waxaana wasiir Timo cadde lagu tilmaamaa in uu kamid yahay wasiirada aadka ugu dhow madaxweynaha Puntland.

x

Check Also

Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab oo duqeyn lagu laayey Puntland

Ugu yaraan lix ka tirsan malayshiyaadka Al-shabaab ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo shalay ka ...