Home » Wararka » Bariga Afrika » Dawladda Federaalk oo wefdi kor joogta ah u diray Doorashada Koonfur Galbeed

Dawladda Federaalk oo wefdi kor joogta ah u diray Doorashada Koonfur Galbeed

Wafdi ka socda Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ayaa saakay ku wajahan Magaaladda Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, waaxa sidoo kale kamid ah wasiiro iyo Xildhibaano.

Ujeedka wafdiga ayaa lagu sheegay sidii ay kor joogto uga noqdaan doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta ka dhacaysa Magaaladaas.

Dhanka kale waxaa shaki la galinayaa in doorashadda ay ka qeyb galaan Wakiilo ka socda Beesha Caalamka, gaar ahaan Safiirada fadhigooda yahay Xarunta Xalane, iyadoo horay u soo saaray walaac ay ka qabaan qalalaasaha ka jiray Baydhabo.

Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxaa u tartamaya ilaa shan Musharax oo kala ah C/casiis Maxamed Xuseen (Lafta Gareen), Xuseen Maxamed Xuseen, aadan Saransoor, Ibraahim Macalin Nuurow iyo Musharax kale.

Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay faragalin ku hayso Doorashadda Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,islamarkaana ay wadato Musharax Lafta Gareen.

Amaanka Magaalada Baydhabo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si aaad ah loo adkeeyay,ciidamo aad u hubeeysan oo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jiro ayaa saakay lagu soo daadiyay gudaha Baydhabo.

 

x

Check Also

Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab oo duqeyn lagu laayey Puntland

Ugu yaraan lix ka tirsan malayshiyaadka Al-shabaab ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo shalay ka ...